Ryan Giggs oo si weyn u taageeray tababare Mourinho, isagoo dhinaca kale tilmaamay waxa ay doonayaan jamaahiirta Man United

(Manchester) 14 Okt 2018. Halyayga kooxda Manchester United ahna macalinka xulka qaranka Weles ee Ryan Giggs ayaa si weyn u taageeray tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho, kadib markii uu la kulmay dhaleeceen xoogan, sababa la xiriira hoos u dhaca ku yimid Red Divalis kulamadii lasoo dhaafay.

Ryan Giggs ayaa wareysi uu ku bixiyay “Manchester Evening News” wuxuu kaga hadlay xaalada adag ay haatan ku sugan yahay kooxda Manchester United, wuxuuna fariin adag u diray jamaahiirta garoonka Old Trafford.

“Taageerayaasha Man United waxay u ooman yihiin ku guuleysiga koobab, wayna u qalmaan, sababtoo ah waxay heystaan macalin aad u fiican iyo sidoo kale ciyaartoy aad u wanaagsan, balse waxay xiligan wajahayaan caqabado aad u adag”.

“Maamulka Manchester United waxay heystaan dhaqaale aad u xoogan ay kula soo saxiixan karaan ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta aduunka, laakiin waxaa jira waxyaabo ay tahay in la xaliyo, si loo caawiyo tababaraha, balse cadaadiska hoos uma dhici doono ilaa iyo ay ka fiicnaato xaalada kooxda”.

Si kastaba 55 jirkan reer Portugal ayaa halis ugu jira in laga fasaxo shaqada tababarka ee kooxda Manchester United, sababa la xiriira hoos u dhaca ku yimid Red Divalis xili ciyaareedkan iyo labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay uusan ku guuleysan midkood horyaalka Premier League iyo Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close