Romelu Lukaku oo amaanay Juventus ka hor kulanka Champions League

(Manchester) 14 Okt 2018 Manchester United ayaa marti qaadaysa kooxda Juventus kulan ka tirsan wareega guruubyada Champions League isbuuca dambe.

Romelu Lukaku ayaa sheegay in Juventus ay tahay koox sanadba kan ka danbeeya samaynaysa hormar isla markaana sii xoojinaysa awoodeeda.

Wuxuuna si cad u sheegay in Juventus ay tahay mid kamid ah 3-da koox ee ugu wanaagsan waqtigaan yurub.

Image result for Man United Juventus

“Juventus waa koox haysata mashruuc fiican, waxayna isku dayayaan sanadba kan ka danbeeya sidii ay isku xoojin lahaayeen” ayuu yiri Romelu Lukaku.

“Shaki la’aan Juventus waa mid kamid ah 3-da koox ee ugu wanaagsan yurub, waxay haystaan tababare fiican iyo ciyaartoy cajiib ah, waxay haystaan Ronaldo, Dybala iyo Douglas Costa”.

“Kulankeena Champions League waa mid aad u adag, laakiin waxaan doonaynaa inaan guul ka gaarno oo aan qabano hogaanka guruubka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close