Mohamed Salah oo dib ugu soo laabtay Liverpool kadib dhaawicii soo gaaray

(Liverpool) 14 Okt 2018 Weerar yahanka xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Liverpool.

Mohamed Salah ayaa ku dhaawacmay kulan xulkiisa Masar uu 4-1 ku garaacay xulka qaranka Swaziland kulan ka tirsanaa isreeb reebka koobka qaramada qaarada Afrika.

Laacibka ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawir uu ku muujiyay isaga oo diyaarad u soo saaran magaalada Liverpool si uu halkaas uga soo kabto dhaawaca soo gaaray.

Dhaawaca Mohamed Salah ma ahan mid halis ah, dhaqtarka xulka qaranka Masar oo ka hadlay ayaa sheegay in hadalkiisa loo turjumay si qaldan.

Wuxuu cadeeyay in laacibku uu dareemayo daal oo kaliya balse wuxuu meesha ka saaray inuu qabo dhaawac.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close