Mauro Icardi oo ka caawinaya Inter Milan saxiixa Luka Modric

(Milan) 14 Okt 2018 Weerar yahanka kooxda Inter Milan isla markaana ah kabtanka kooxda reer talyaani ayaa ka caawinaya kooxdiisa saxiixa Luka Modric.

Inter ayaa isku dayday saxiixa Luka Modric suuqii xaggaaga, laakiin Real Madrid ayaa iska diiday iibka laacibkeeda.

Image result for Mauro Icardi Modric

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay isku dayi doonto saxiixa Mauro Icardi suuqa bisha Janaayo si ay ugu xaliso dhibaatada ka haysata dhanka weerarka.

Inter Milan ayaana tilaabadaas uga faa’idaysanaysa inay Real Madrid ku qanciso in heshiiska uu qayb ka noqdo Luka Modric.

Modric ilaa haatan wax heshiis ah uma saxiixin Real, qorshaha laacibka ayaana ah inuu ka ciyaaro horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close