Matuidi oo Ronaldo dartiis uga gaabsaday ka hadalka Ballon d’Or

(Turin) 14 Okt 2018 Xiddiga kooxda Juventus iyo xulka France ee Blaise Matuidi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo abaal marinta Ballon d’Or.

Blaise Matuidi ayaa sheegay inuusan doonayn inuu abuurto cadaawad cusub sidaas darteedna uusan sheegi doonin magaca laacib u qalma ku guulaysiga abaal marinta xiddiga adduunka.

Image result for Matuidi Ronaldo

Wuxuu carabkiisa ku adkeeyay magaca Mbappe oo uu sheegay inuu yahay xiddig u qalma ku guulaysiga Ballon d’Or, sidoo kale wuxuu xusay in Ronaldo uu yahay laacib cajiib ah oo u qalma abaal marintaas.

“Ballon d’Or? Ma garanayo cida u qalanta, mana doonayo inaan yeesho cadaw cusub” ayuu yiri Blaise Matuidi oo la waydiiyay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaal marintaas.

“Aan u rajayno inuu ku guulaysto laacibka ugu fiican, waxaan rumaysanahay in Mbappe uu qabtay wax yaabo fiican, sidaas darteed waa uu u qalmaa inaan ka hadalno”.

“Cristiano Ronaldo isaguna waa cajiib”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close