Matthijs de Ligt oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Barcelona

(Amsterdam) 14 Okt 2018 Daafaca kooxda Ajax iyo xulka Holland ee Matthijs de Ligt ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona.

Xiddigaan ayaa horay u sheegay inuu doonayo ku biirida Barcelona si uu uga garab ciyaaro Lionel Messi oo uu dareensan yahay inuu sii duqoobayo.

Kadib kulankii xulka Holland uu 3-0 ku garaacay Germany ayaa la waydiiyay Matthijs de Ligt ka garab ciyaarida Pique? wuxuuna yiri:

“Yaa og, yaa og, kooxo badan ayaa i xiisaynaya, laakiin anigu waxaan ku faraxsanahay Ajax waqtigaan”.

“Lama hadlin Barcelona waayo waxaan xooga saarayaa Ajax, waxaan u tartamaynaa koobab badan, marka la joogo Champions League marwalba waxaan jeclahay inaan ka hortago xiddigaha aan taageero sida Pique iyo Ramos”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close