Manchester United oo markale isku dayaysa saxiixa Toby Alderweireld

(Manchester) 14 Okt 2018 Manchester United ayaan wali ka quusan saxiixa daafaca kooxda Tottenham iyo xulka Belgium ee Toby Alderweireld.

Tababare Mourinho ayaa ku guul daraystay inuu dhamaystiro saxiixa 29 jirkaan reer Belgium ee Toby Alderweireld suuqii xaggaaga.

The Sun ayaa baahisay in Manchester United ay markale isku dayi doonto dhamaystirka saxiixa Toby Alderweireld suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Qorshaha tababare Mourinho ayaa ah inuu iska adkeeyo dhanka daafaca, wuxuuna xooga saarayaa sidii uu ku heli lahaa dhawr daafac marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bilowga sanadka cusub.

Tottenham diyaar uma ahan inay si fudud ku fasaxdo Toby Alderweireld laakiin qiimo badan oo United ay miiska saarto ayaa wax walba badali kara.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close