Halyayga AC Milan Paolo Maldini oo isbarbardhig ku sameeyay Ronaldo iyo Messi, xidigee ayuu u arkaa inuu yahay kan ugu fiican?

(Milan) 14 Okt 2018. Halyayga kooxda AC Milan Paolo Maldini ayaan ka laba labeynin inuu isbarbardhig ku sameeyo xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Paolo Maldini ayaa doorbiday Lionel Messi marka loo fiiriyo Cristiano Ronaldo, isagoo xaqiijiyay in laacibka reer Argantina uu yahay kan ugu fiican kubada cagta xiligan la joogo.

“Ma doonayo inaan hoos u dhigo tayada Cristiano Ronaldo, sababtoo ah waa ciyaaryahan aad u fiican, laakiin waxaan dhihi doonaa Lionel Messi waa kan ugu fiican”.

“Messi waa nuxurka kubada, gaar ahaan sida uu uula dhaqmo garoonka dhexdiisa, ku dhawaad 15-kii sano ee ugu danbeeyay waa ciyaaryahankii ugu fiicanaa kubada cagta”.

Si kastaba Paolo Maldini ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah halyeeyada ugu fiican taariikhda kooxda AC Milan, kadib markii uu soo xirtay maaliyada kooxdan mudo dhan 23 sano, isagoo lasoo gaaray guulo waaweyn ee muhiim ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close