“Dhibaatada haysata Salah waa inuu isla meel dhigay Ronaldo iyo Messi ” – Robbie Fowler

(Liverpool) 14 Okt 2018 Halyeeyga kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa daaha ka qaaday sababta keentay hoos u dhaca Salah ee xiliciyaareed kaan.

Wuxuu sheegay in dhibaatadaan oo kale uu maro weerar yahan walba, wuxuuna u cadeeyay dadka eedeynaya wiilka reer Masar inuu dib ugu soo laabanayo gool dhalinta.

Image result for robbie fowler Salah

Robbie Fowler oo difaacayay Mohamed Salah ayaa yiri:

“Ma jiro dhib wayn oo haysta Salah, dib ayuu ugu soo laabanayaa gool dhalinta kooxdiisa, ma ahan inuu is wareeriyo, waa inuu is dajiyaa waayo midaan oo kale waa ay ku dhacdaan weerar yahan walba”.

“Dhibaatada haysata Salah waa inuu naftiisa isla meel dhigay Ronaldo iyo Messi xiliciyaareedkii hore, taasi waa wax ay adag tahay in loo dul qaato haddii aadan u ciyaarayn Real Madrid ama Barcelona”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close