Barcelona oo qarka u saaran inay wayso saxiixa Adrien Rabiot

(Paris) 14 Okt 2018 Barcelona ayaa qarka u saaran inay wayso saxiixa xiddiga PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot.

Laacib kaan ayaa rajo galiyay PSG kaas oo uu ku saxiixi karo heshiis cusub sida uu baahiyay wargayska L’Equipe.

PSG ayaa hordhigtay Adrien Rabiot dalab cusub oo uu ku qaadanayo 8 milya oo euro sanadkii iyo abaal marin gaaraysa 7 milyan oo euro.

Laakiin laacibka oo markii hore gabi ahaanba diidanaa inuu saxiixo heshiis cusub ayaa la yimid shardi ah in la siiyo mushaar dhan 10 milyan oo euro iyo abaal marin dhan 10 milyan oo kale.

In Adrien Rabiot uu saxiixo heshiis cusub haatan waxay ku xiran tahay oo kaliya in PSG ay aqbasho shardigaan uu hordhigay taas oo dhabar jab ku ah Barcelona oo rajo ka qabtay saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close