Thierry Henry oo Qarka u Saaran inuu la Wareego xilka Tababare ee Kooxda Monaco iyo Waqtiga loo Magacaabayo oo la Ogaaday

( Monaco ) 13 Okt 2018. Thierry Henry ayaa todobaadkan bilaabaya xirfadiisa macalinimo iyadoo la isku af gartay heshiis seddax sano ah uu la galay kooxda Monaco.

Naadiga French ayaa shaqada ka ceyrisay macalinkoodii Leonardo Jardim khamiistii iyo Henry, oo iska diiday shaqada kooxda Aston Villa, ayaa haatan ka dhaqaaqaya xila caawiye  ee uu u yahay leyliyaha qaranka Belgium Roberto Martinez.

Henry waxaa aad usoo jiidaneysa bilaabashada xirfadiisa maamule isagoo sido kale halkaan ka bilaabay maalmihiisii cayaareed markii uu u dheelay da’yarnimadiisii kooxda Monaco.

He began his senior career with the Ligue 1 side and will now start management career there

Macalinka Belgium Martinez ayaa ka codsaday Henry inuu lasii joogo ilaa kulanka Switzerland ee horyaalka qaramada yurub.

Henry ayaa la rajeynayaa inuu tixgaliyo Martinez laakiin wuxuu wajahayaa nolashiisa cusub ee Monaco waxaana lasoo bandhigayaa horaanka todobaadka dambe.

Henry ayaa sido kale isku dayaya inuu helo kaaliyaashiisa caawiye,macalinka  da’yarta 18-jirada Arsenal Kwame Ampadu ayaa kamida shaqsiyaadka uu ku kifirayo.

Henry wuxuu dhinaca kale xariir joogtaa la sameyay macalinka 23-jirada Benfica Joao Tralhao, halka halyeeyii hore ee Arsenal uu la rajeynayo inuu kooxda keeni maamulaha kooxda Rennes Julien Stephan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close