Ronaldo oo dhabar jabkaan la damacsan Juventus kadib markii loo soo bandhigay heshiis uu ku noqonayo xiddiga ugu mushaarka badan adduunka!

(Turin) 13 Okt 2018 Cristiano Ronaldo ayaa u saxiixay Juventus heshiis uu kula joogayo ilaa 2022 kadib markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu qorshaynayo inuusan dhamaysan heshiiska 4-ta sano ee uu u saxiixay kooxda Juventus.

Qorshaha Ronaldo ayaa ah inuu ka tago Juventus xaggaaga 2021 markaas oo hal sano oo kaliya ay uga harayso qandaraaskiisa kooxda Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa kadib ku biiraya kooxda Orlando City ee horyaalka maraykanka, taas oo ka dhigaysa laacibka ugu mushaarka badan adduunka.

Orlando City ayaa ka saxiixaysa Ronaldo heshiis labo sano ah oo sanadkii uu ku qaadanayo 50 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close