RASMI: Antonio Cassano oo ka fariistay ciyaarida kubadda cagta

(Roma) 13 Okt 2018 Weerar yahanka reer talyaani ee Antonio Cassano ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga siibay kobaha kubadda cagta maalmo uun kadib markii uu tababarka la bilaabay kooxda ka ciyaarta Serie C ee Virtus Entella.

Antonio Cassano ayaa u soo ciyaaray kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub sida Real Madrid, AC.Milan, Inter Milan, Roma, Parma iyo Sampdoria.

Cassano ayaa waayihiisa kubadda cagta ka soo bilaabay kooxda Bari 1999, wuxuuna u ciyaaray ilaa 2001, wuxuu u saftay 48 kulan, wuxuuna u dhaliyay 6-gool, wuxuuna kadib ku biiray Roma oo uu uga sii gudbay Real Madrid.

Image result for Antonio Cassano

“Maalmihii la soo dhaafay waxaan ogaaday in aanan sifiican uga qayb qaadan karin tababarka maalinlaha ah sidii aan ahaan jiray” ayuu yiri Antonio Cassano.

“Haatan waxaan qabanayaa shaqooyin kale oo ka baxsan kubadda cagta, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan ka fariisto” ayuu sii raaciyay.

Antonio Cassano ayaa ka fariistay kubadda cagta isaga oo ah 36 jir.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close