“Maaliyadii uu Messi iga badashay wuxuu iminka ku Tir-Tirtaa Lugaha BAABUURKIISA!!.”.-

(Europe) 13 Okt 2018. Jobi McAnuff ee ah Kabtanka naadiga Leyton Orient ee ka ciyaarta heerka hoose ee Ingiriiska ee National League ayaa ka sheekeeyay Maaliyad ay hadda ka hor kala badasheen xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Lionel Messi.

Orient ayaa nasiib u yeeshay inuu helo maaliyada Kabtanka Barcelona mar uu xulkiisa Jamaica Copa America la ciyaarayay Argentina 2015-tii.

36-jirka muddada 20-ka sano ku dhex jiray kubbada cagta ayaa si Kafan ah uga jawaabay mar la waydiiyay halka uu Messi dhigay maaliyadii ay kala badasheen.

Tokeo la picha la Jobi McAnuff and Messi

“Malaha wuxuu ku dhaqayaa Lugaha Baabuurkiisa,” Leyton Orient ayaa sidaa yiri.

“Laakiin xaqiiqda inuu isna i waydiisto maaliyadeeda waxa ahayd wax fiican.”.

Orient ayaa xulkiisa iyo kooxaha uu soo maray u soo ciyaaray  700, welina kuma fikirayo inuu ciyaaraha ka fariisto oo wuxuu doonaya inuu garoomada ku sii jiro waqtiga ugu dheer uu awoodo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close