Koox ka dhisan Ingiriiska oo iska diiday saxiixa Samir Nasri

(Liverpool) 13 Okt 2018 Maalmihii la soo dhaafay ayaa la baahiyay in Samir Nasri uu dib ugu soo laabanayo Premier League.

Kooxda Everton ayaa lala xiriiriyay xiddigii hore ee Arsenal iyo Manchester City, Laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa beeniyay warkaas.

Image result for Samir Nasri Everton

Wargayska ayaa sheegay in Everton aysan marnaba diyaar u ahayn inay la soo wareegto Samir Nasri oo ilaa haatan ka ganaaxan ciyaaraha kadib markii lagu helay inuu isticmaalay maandooriye mamnuuc ka ah kubadda cagta.

Samir Nasri ayaa koox la’aan ah kadib markii uu ka tagay kooxda dalka Turkiga ee Antalyaspor, Everton ayaana iska fogaysay inay qaab bilaash ah ku soo qaadanayso.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close