Deg Deg: Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Monaco

(Monaco) 13 Okt 2018. Halyayga xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa loo magacaabay macalinka cusub kooxda ka ciyaarta horyaalka France Ligue 1 ee Monaco.

Saraakiisha kooxda Monaco ayaa waxay go’aansadeen in Thierry Henry uu noqdo badalka tababare Leonardo Jardim oo shaqada laga ceyriyay khamiistii lasoo dhaafay sbabab la xiriira natiijo xumi kooxda ku timid kulamadii lasoo dhaafay.

War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Monaco ayaa lagu yiri “Monaco waxay shaaca ka qaaday in maalinta Talaadada ee soo aadan Thierry Henry si rasmi ah loogu dhawaaqi doono inuu yahay macalinka cusun ee kooxda ilaa iyo sanadka 2021”.

Thierry Henry ayaa ka bilaabi doona shaqadiisa cusub ee kooxda Monaco Isniinta soo socota, wuxuuna ka hadlay dareenkiisa kaga aadan shaqadan cusub ee loo magacaabay.

“Ugu horeyn waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo maamulka kooxda Monaco, fursada ay ii siiyeen inaan tababare ka noqdo koox aniga ahaan qaas ii ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku laabto Monaco, waxaana xiiseenayaa inaan wajaho caqabadaha soo aadan, ma awoodo xitaa inaan sii sugo inaan bilaawo la shaqeynta ciyaartoyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close