“Ciyaarta hala igu daro ama waa Banad.”.-“Haddii Qalad Dhoco, waxaa loo dhigaa Qofkii Dhaarta.”…..(Xusuuso Ciyaarihii Caruurnimada, AQRI oo wax ku darso)

(Muqdisho) 13 Okt 2018. Soomaalida waxay tiraahdaa ‘Caruurnimo waa Cudur laga koro’.

Qofkasta ayaa soo maray Ciyaarihii caruurnimada ee aan lahayn Garsooraha, Waqti go’an oo la dhammeynayo iyo wixii la mid ah.

Haddaba waxaa la soo ururiyay qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu waa waynaa ee Kubbada caruurnimada.

Bal AQRI oo wax ku darso:

1. Garsoore malahan oo ciyaarta dhexdhexaadiya.

2. Ciyaartu waxay dhamaataa markay daalaan labada koox ama uu yeero Adinka Salaada Maqrib.

3. Natiijada waa 20 ama -30 gool.

4. Haddii qalad dhaco waxaa loo dhigayaa qofkii dhaarta.

5. Qofkii la doono ayaa Goolhaye laga dhigaa.

6. Wiilka kubbada leh haduu xanaaqo kubbadiisa wuu la tagaa

7. Qof cusub baa iska iman oo waxuu leeyahay ciyaarta hala igu daro ama waa banad oo lama dheelayo

8. Kooxdii aan isku kalsoonayn waxaa loo ogolyahay qof dheeri ah.

9. Rigoore Marka LA tuuranayo Boortaha waa LA iska badalayaa oo ninka ugu lacibsan kooxda aya gala haddii laga didana waa banad

10. Haddii Gool inay dhalatay laga shakiyo kubada waa LA joojinayaa, 30 daqiiqo bay dhaar iyo dood soconaysaa

11. Gool baad dhalinaysaa markaasaa la leeyahay waa Aaalto oo kubada korbay ahayd

12. Qofkii xanaaqa tiirarka goosha midkood buu LA baxaya

13. Macalinka dugsiga haduu soo maro kubada waa la joojin oo qaar badan oo ciyaartoyda ka mid ah wey cararayaan.

14. Kooxda kan oo gu buuran ayaa goolhaye noqda.

15. Kan kubbada iska leh ayaa laacibitiin fiican miirta oo dhankiisa marsada.

16. Wiilka kubbada iska leh hadii hooyadii u yeedho ciyaarta halkaas ayay ku idlaatay.

17. Labadii gadaal ka timaada waxaa lagu kala darayaa labada kooxood  xitaa haddii ay tirada xadka dhaafto.

18. Haddii kan kubada leh lajabiyo ogoow ciyaarta dhib ayaa soo wajahay.

19. Ciyaartoo socoto haday mid kaadi qabato intuu aayar iska soo kaajsho unbuu soo laaban isagoon cidna ogeysiin.

W/D: Nasri Dossontos

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close