Caqabad cusub oo hortaagan in Eden Hazard uu ku biiro Real Madrid

(Madrid) 13 Okt 2018 Real Madrid ayaa u aragta Eden Hazard laacib buuxin kara booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus suuqii xaggaaga.

Hazard ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Chelsea xiliciyaareed kaan bilowga ah, wuxuuna si cad u sheegay in riyadiisu ay tahay ka ciyaarida Bernabeu.

Laakiin Daily Star ayaa daaha ka qaaday caqabad cusub oo hortaagan in Hazard uu ku biiro Real Madrid suuqa Janaayo.

Caqabada ayaa ah in Real Madrid ay waqtigaan si wayn ugu baahi qabto weerar yahan dhalin kara goolal badan kadib markii kooxdu ay wax gool ah dhalin waysay 4-kulan oo xiriir ah.

Hoos u dhac wayn ayaa ka muuqda Karim Benzema, Perez ayaana awoodiisa isugu gaynaya haatan sidii uu ku keeni lahaa weerar yahan wayn, taas oo hoos u dhigaysa fursada Hazard uu ugu biiri karo Real Madrid suuqa Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close