Ander Iniesta oo DARTII loo Ganaaxay mid Kamida Cayaariyahanada Kooxda uu u Cayaaro..( Maxay tahay Sabab )

( Japan ) 13 Okt 2018. Laacib ay isku koox yihiin xiddiga ANDRES INIESTA’ ayaa bil laga ganaaxay inuu kooxda u cayaaro markii uu warar been abuura ka sheegay xiddigii hore ee Barcelona iyo qaranka Spain

Shunki Takahashi, oo ah daafac u cayaara kooxda Iniesta Vissel Kobe, ayaa fariin u diray saaxiibkii taasoo uu ku sheegayo in kubbad qaabeyaha reer Spain aan la heli Karin kulan soo aadan oo ay la dheelayaan kooxda Urawa Reds.

Saaxiibka laacibka Japanese ayaa warkaas ku faafiyay baraha bulshada wuxuuna arinkaa noqday mid si weyn u qabsaday baraha bulshada.

Image result for Andres Iniesta team-mate at Vissel Kobe banned after leaking team news about the ex-Barcelona star

Warkan lagu shaaciyay barta Twitter-ka ayaa markii dambe laga tiray laakiin waa xili ay baahiyeen dhammaan warkaas warbaahinta ka faaloota cayaaraha.

Takahashi ayaa la ganaaxay bil kaddib markii uu jabiyay xeerka anshaxa kooxda.

Intaa kaddib naadiga ayaa war qoraala kasoo saartay warkaas looga been abuuray Iniesta: “Waxaan si daacadnimo leh uga raali galineynaa qof walba oo ka walaacsan arinkaan taas oo sababtay dhibaato iyo walwal.”

Halyeeyga qadka dhexe ayaa ku biiray kooxda horyaalka Japan xagaagan kaddib 22 sano uu ku sugnaa kooxda Catalan ee Barcelona.

Wuxuu u dhaliyay laba gool siddeed cayaar uu u saftay kooxdiisa cusub, taasoo haatan ku jirta kaalinta 11-aad ee kala sareynta horyaalka.

Image result for Andres Iniesta team-mate at Vissel Kobe banned after leaking team news about the ex-Barcelona star

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close