Alex Sandro oo shardi adag ku xiray inuu heshiis cusub u saxiixo Juventus

(Turin) 13 Okt 2018 Daafaca reer Brazil ee Alex Sandro ayaa shardi adag ku xiray inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus.

Qandaraaska Alex Sandro ee Juventus ayaa dhacaya 2020, kooxda reer talyaani ayaana ku qasban inay iska iibiso dhamaadka xiliciyaareed kaan haddii uusan saxiixin heshiis cusub.

Alex Sandro ayaa diidan inuu saxiixo heshiis cusub oo Juventus ay hordhigtay kaas oo sanadkii uu ku qaadanayo 4.3 milyan oo euro sida ay baahisay CalcioMercato.

27 jirkaan ayaa ka doonaya Juventus inay u qoondayso mushaar intaas ka badan haddii ay doonayaan inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa si dhaw ula socda xaalada Alex Sandro ee kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close