RASMI: Eden Hazard oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka bisha ee horyaalka Premier League

(Premier League) 12 Okt 2018. Laacibka kooxda Chelseea ee Eden Hazard ayaa ku guuleestay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii lasoo dhaafay ee September horyaalka Premier League, kadib markii uu 5 gool ku dhaliyay 4 kulan.

Kooxda Blues ayaa ilaashatay qaab ciyaareedkeeda cajiibka ahaa ay kaga bilaabatay xili ciyaareedkan, waxayna ilaa iyo haatan ka fogaadeen inay la kulmaan guuldaro, kadib 8 kulan ee laga soo ciyaaray horyaalka Premier League.

27 jirkan reer Belgiam ayaa dhaliyay goolasha saddexleyda ah kulankii ay la ciyaareen kooxda Cardiff City, sidoo kale wuxuu goolal ka dhaliyay Bournemouth iyo Liverpool.

Waa markii 2-aad uu Eden Hazard abaal marintan ku guuleestay abaal marintan xirfadiisa kubada cagta ee horyaalka Premier League, kadib markii uu kusoo guuleestay October 2016.

Hazard ayaa ku gudi jira xili ciyaareedkiisa ugu fiican xirfadiisa kubada cagta, isagoo hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Premier League xili ciyaareedkan wuxuuna soo dhaliyay ilaa iyo haatan 7 gool, kadib 8 kulan ee lasoo ciyaaray.

Laacibka reer Belgiam ayaa wuxuu abaal marintan ku garaacay dhamaan xidigaha kala ah difaaca kooxda Wolverhampton Willy Boly, weeraryahanka kooxda Arsenal Alexandre Lacazette, laacibka kooxda Leicester City James Maddison, xidiga Everton ee Gylfi Sigurdsson, iyo Raheem Sterling.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close