Paco Alcácer oo sharaxaad ka bixiyay sababaha ka dambeeya in markale uu cagta saaro wada saxda ah ee dhanka gooldhalinta

(Spain) 12 Okt 2018. Paco Alcácer ayaa bandhigii cajiibka ahaa uu kala soo muuqday kulamadii lasoo dhaafay kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund, wuxuu markale ka sameeyay xulkiisa qaranka Spain kadib markii uu dhaliyay 2 gool aad u qurux badan, kulankii saaxiibtinimo ay dhigooda Weles kaga adkaadeen 4-1.

Waa markii labaad uu Paco Alcácer u dhalinayo xulkiisa qaranka Spain goolasha labaleyda ah, marka ugu dambeesay uu dhaliyo goolashan oo kale ayaa waxay ahayd kulan ay wada ciyaareen Luxembourg sanadii 2015.

Paco Alcácer oo wax laga weydiiyay sirta ka dambeysa in markale uu dib ugu soo laabto wadada saxda ah ee dhanka gooldhalinta ayaa wuxuu kaga jawaabay kadib kulankii Weles inay sabab buuxda u yihiin dhowr arimood.

“Waxaa sabab buuxda u ah dhowr arimood, nasiibka, kalsoonida, inaan helo daqiiqado badan, intaasoo idil kadib muhiimada ayaa ah inaan shaqeenayo maalin kasta”,

“Dhinaca kale waxaana diyaar u ahay inaan ka faa’ideysto fursadaha aan helayo, isla markaana aan sii joogteeyo qaab ciyaareedkan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close