Xulka Ingiriiska oo waynaya labo xiddig kulamada Croatia iyo Spain

(London) 11 Okt 2018 Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa daaha ka qaaday magacyada labo xiddig oo ka maqnaanaya xulka kulamada soo socda.

Xulka qaranka Ingiriiska ayaa la kala ciyaaraya kulamada soo socda xulka qaranka Croatia iyo xulka qaranka Spain.

Alex McCarthy and Danny Rose

Daafaca Tottenham ee Danny Rose ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulamada Croatia iyo Spain, FA-ga ingiriiska ayaa sheegay in dhaawaca laacibku uusan ahayn mid halis ah balse kooxdiisa ayuu dib ugu laabanayaa.

Laacibka labaad ee seegaya kulamada Croatia iyo Spain ayaa ah goolhayaha kooxda Southampton ee Alex McCarthy.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close