Xherdan Shaqiri oo ka warbixiyay sida uu yahay xiriirka kala dhexeeya tababare Jürgen Klopp

(Liverpool) 11 Okt 2018. Laacibka dhawaan galka ah ee kooxda Liverpool Xherdan Shaqiri ayaa xaqiijiyay in xiriirka kala dhexeeya tababare Jürgen Klopp uu yahay mid aad u wanaagsan.

Macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp ayaa ku dhaleeceeyay laacibka Xherdan Shaqiri guuldaradii kaga soo gaartay kooxda Chelsea kulankii koobka Carabao Cup ee bishii lasoo dhaafay.

Laakiin Xherdan Shaqiri ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in xiriirka kala dhexeeya macalinkiisa Jürgen Klopp uu yahay mid aad u wanaagsan.

“Waxaan la leeyahay xiriir aad u wanaagsan Jürgen Klopp, waxaa jira waxyaabo badan xiiso leh ee ku aadan la shaqeyntiisa”.

“Waan ku faraxsanahay, waxaan qabaa inaan aad ugu dhowahay inaan si joogta ah kaga mid noqdo shaxda koowaad ee kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close