Salah iyo Mane: Yaa ah laacibka ugu fiican Afrika? Michael Essien ayaa ka jawaabay!!

(Liverpool) 11 Okt 2018 Halyeeyga kooxda Chelsea ee Michael Essien ayaa ka jawaabay xiddiga ugu fiican Afrika waqti xaadir kaan.

Michael Essien ayaa iska hilmaamay kabtanka xulka Masar kaas oo xulkiisa gaarsiiyay koobka adduunka isla markaana ku guulaystay abaal marino badan sanadkii hore.

Image result for Essien 2018

Wuxuu sheegay in Sadio Mane uu yahay xiddiga ugu wanaagsan qaarada Afrika waqtigaan maadaama uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican xiliciyaareedkii hore isla markaana uu halkiisii ka sii waday xiliciyaareed kaan.

Michael Essien ayaa la waydiiyay xiddiga ugu wanaagsan Afrika waqtigaan? wuxuuna yiri:

“Waxaan is leeyahay waa Sadio Mane, cajiib ayuu ahaa xiliciyaareedkii hore, xiliciyaareed kaana halkiisii ayuu ka sii waday”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close