Real Madrid oo qaati ka taagan hab dhaqanka Gareth Bale! (Maxaa dhacay?)

(Madrid) 11 Okt 2018 Real Madrid ayaa qaati ka taagan kabtanka xulka wales ee Gareth Bale kadib markii la ogaaday inuu fiirsanayo kaliya dantiisa shaqsiga ah.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in ilawareedyo gudaha Real Madrid ah ay xaqiijiyeen in Gareth Bale uu yahay laacib danta kooxda marwalba ka hormariya danihiisa gaarka ah.

Bale ayaa la dhibtoonaya dhaawac uusan si buuxda uga soo kaban, Real Madrid iyo xiriirka kubadda cagta Wales ayaana ku heshiiyay in laacibka aan la ciyaarsiin kulanka caawa.

Laakiin Gareth Bale ayaa ku cadaadinaya xulkiisa in la ciyaarsiiyo kulanka caawa ay la ciyaarayaan xulka qaranka Spain kaas oo ah mid saaxiibtinimo.

Tababare Giggs ayaa si cad u sheegay in Gareth Bale uusan ciyaari doonin kulanka caawa, waxaana la ogyahay in rabitaanka Bale uu yahay inuu ciyaaro kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close