Qaliinkii Samuel Umtiti oo la baajiyay! (Diyaar ma u yahay El-Clasico?)

(Barcelona) 11 Okt 2018 Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka France ee Samuel Umtiti ayaa dhaawac ka qabay dhanka jilibka isbuucyadii u danbeeyay.

Kooxda ayaa qorshaysay in Samuel Umtiti uu maro qaliin dhanka jilibka ah, balse waala baajiyay sida ay baahisay Marca.

Dhaawaca Samuel Umtiti waa mid dabiici ah oo mar walba ku yimaada xiddigaha cadaadiska badan saara jilibkooda gaar ahaan marka ay ku dagaalamayaan kubaddaha sare.

Laacibka ayaa bilaabay inuu si caadi ah uga soo kabto dhaawacaan, waxaana suurogal ah inuu taam u noqdo kulamada Sevilla, Inter Milan iyo Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close