Mo Ogtahay in 4-Garsoore oo SOOMAALI ah ay dhex-dhaxaadinayeen kulankii Baaxada lahaa ee Xalay dhex maray Zambia iyo Guinea-Bissau?+SAWIRRO

(Africa) 11 Okt 2018. Xalay ayaa waxaa ciyaaray  Zambia iyo Guinea-Bissau kulan ka tirsanaa isreeb reebka Koobka Qaramada Afrika oo ay 2-1 ku adkaatay Zambia.

Afar Garsoore oo heer caalami ah oo u dhashay dalkeena Soomaaliya ayaa dhex dhexaadinayay kulanka baaxada lahaa oo ay soo xaadireen taageerayaal aad u fara badan.

Suleymaan Sheekh Bashiir, Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari), Xamze Xaaji Cabdi iyo Cumar Cabduqaadir Cartan ayay kala ahaayeen Garsoorayaasha Dalkeena ku matalayay kulankaas.

Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari) ayaa ahaa Gasooraha koowaad ee kulanka, Calan wadaha koowaad ayaa ahaa Xamze Xaaji halka Calan wadaha labaad uu ahaa Suleymaan Sheekh Bashiir, Garsooraha keydka ee kulanka wuxuu ahaa Garsooraha da’da yar ee Cumar Cabduqaadir Cartan.

Faah faahin iyo Waliba Sawirro dheeri ah dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha’alaah.

SAWIRRO:

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 4 people, crowd and outdoor

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close