Manchester United oo u dhaqaaqaysa xiddig ka tirsan Barcelona suuqa Janaayo

(Manchester) 11 Okt 2018 Kooxda tababare Mourinho ayaa u dhaqaaqaysa soo xerogalinta daafac ka tirsan kooxda Barcelona bisha Janaayo.

Heshiiska Jordi Alba ee Barcelona waxaa uga harsan 2-sano, mana muuqato dadaal ay kooxdu uga saxiixayso heshiis cusub.

Mourinho ayaa doonaya inuu kooxdiisa ka dhiso dhanka daafaca bidix, wuxuuna u arkaa Jordi Alba xiddig aad ugu haboon sida ay baahisay The Sun.

Manchester United ayaa dhawr jeer isku dayday saxiixa Jordi Alba sanadihii u danbeeyay, laakiin marwalba Barcelona ayaa hortaagnayd in laacibku uu u dhaqaaqo Old Trafford.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close