Manchester United oo heshiis cusub ka saxiixaysa Jesse Lingard

(Manchester) 11 Okt 2018 Manchester United ayaa bilowday wadahadal ay heshiis cusub uga saxiixayso laacibkeeda Jesse Lingard.

25 jirkaan ayaa heshiis cusub u saxixay kooxdiisa Man United xiliciyaareed kii hore, markaas oo uu qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa 2021.

Mushaarka Jesse Lingard ayaana waqtigaas la gaarsiiyay ilaa 100 kun oo Ginni isbuucii, balse kooxda ayaa dareensan inay muhiim tahay in laga saxiixo heshiis cusub maadaama uu muhiim u yahay kooxda sida ay baahisay Mirror.

Tilaabada Manchester United ayaa imaanaysa xili Juan Mata, Herrera iyo Shaw shaki wayn laga qabo inay ka tagaan kooxda.

Kooxda ayaana ku dadaalaysa inay sii haysato laacibkeeda Jesse Lingard maadaama uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xiliciyaareedkii hore markaas oo uu dhaliyay 13-gool tartamada oo dhan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close