Leroy Sane oo ka jawaabay eedeyntii uga timid Toni Kroos

(Berlin) 11 Okt 2018 Da’yarka xulka qaranka Germany iyo kooxda Manchester City ee Leroy Sane ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Toni Kroos.

Xiddiga Real Madrid ayaa ku eedeeyay Leroy Sane inuu yahay laacib aan kala jeclayn guusha iyo guul darada xulka qaranka Germany.

Laakiin Leroy Sane ayaa iska fogeeyay eedaas, wuxuuna sheegay in xulka qaranka Germany uu muhiim u yahay isla markaana uu ka xumaado guul daro haddii ay soo gaarto.

Image result for Toni Kroos Leroy Sane

“Waxaan doonayaa inaan is muujiyo meel walba oo aan joogo, waxaan isku dayaa inaan ku raaxaysto kubadda cagta iyo inaan barto wax yaabo cusub” ayuu yiri Leroy Sane.

“Ma jirto wax aan muhiim ii ahayn, marka aan u ciyaaro qaab aan wanaagsanayn muhiim ayeey ii tahay, waxaa laga yaabaa in shaqsi uun uu si kale u arko”.

“Laakiin wax dhib ah kuma qabo eedeynta, waayo waxay iga caawinee inaan is hagaajiyo”.

Leroy Sane ayaa la waydiiyay ka reebidii laga reebay liiska xiddigihii ciyaaray koobka adduunka, wuxuuna yiri:

“Dabcan waxaan dareemay niyad jab maadaama layga reebay liiska, sababtaas darteed ayaa iga dhigtay inaan bixiyo dadaal badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close