Douglas Costa oo dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Juventus

(Turin) 11 Okt 2018 Xiddiga reer Brazil ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Juventus kadib markii uu ka soo kaabtay dhaawac uu la maqnaa.

Sida ay baahisay TuttoSport, Douglas Costa ayaa ka soo caafimaaday labo dhaawac oo ka soo kala gaartay bowdada lugta midig iyo anqowga lugta bidix.

Douglas Costa ayaa tababarka buuxa la qaatay xiddigaha Juventus ee aan looga yeerin xulalkooda oo uu ugu horeeyo Cristiano Ronaldo.

28 jirkaan ayaa sidoo kale dhamaystay ganaaxii 4-ta kulan ahaa kaas oo lagu riday kadib markii uu candhuuf ku tufay xiddig ka tirsan kooxda Sassuolo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Nasiibkaa Kuu Xulay

Close
Close