Didier Deschamps oo iska diiday isbarbardhiga xidigaha Kylian Mbappé iyo Lionel Messi

(France) 11 Okt 2018. Macalinka xulka qarank France ee Didier Deschamps ayaa iska diiday in weeraryahanka kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé uu la mid yahay Lionel Messi oo kale, kaasoo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta aduunka.

Fikirka shaqsiyaad badan ayaa ah in weeraryahanka kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé uu kaga bilaawday xirfadiisa kubad cagta sida ugu fiican.

Laakiin Didier Deschamps ayaa sharaxaad ka bixiyay in qaab ciyaareedka Kylian Mbappé in inbadan uu ka duwan yahay kan Messi, balse fikradiisu ay tahay in ay isku tayo yihiin marka loo fiiriyo.

Deschamps ayaa wuxuu dhinaca kale tilmaamay in waxa kaliya ee ka harsan Kylian Mbappé ay tahay inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan isla markaana uu  sameeyo sanado badan sida uu sameeyay Lionel Messi.

“Xidigaha Messi iyo Mbappé waa lab xidig kala duwan, ciyaaryahan kasta wuxuu leeyahay dabeecad qaas u ah, laakiin waxaa jira hal arin ee xaqiiqo ah, Mbappé ma ahan ciyaaryahan caadi ah”.

“Waxay Messi kuwada jiraan hal qaanad, inkastoo Mbappé wali uu yahay xidig da’ayar ah, isla markaana Messi uu qaab ciyaareed cajiib ah kasoo sameeyay kubada cagta mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay”.

“Taageerayaasha waxay isku dayayaan inay la barbardhigaan Lionel Messi, lakiin xaqiiqda ayaa ah in kooxihiisa uu ku hogaamiyo inay guuleystaan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close