DEG DEG: AS Monaco oo Ceyrisay tababaraheeda Leonardo Jardim iyo Theirry Henry oo jidka ku soo jira

(France) 11 Okt 2018. Naadiga Monaco ayaa ceyriysay tababaraheeda Leonardo Jardim iyadoo aad loo hadal hayo inuu xilka u qaban doono laacibkoodii hore ee Thierry Henry.

Tababaraha reer Portugal oo 2014 ku soo biiray kooxda reer France ayaa la ceyriyay kaddib markii uu hal kulan oo qura adkaaday sagaalkii kulan ee kal ciyaareedkan la dheelay horyaalka Faransiiska ee Ligeu 1.

“Waan ka mahadnaqayaa waana ku faraxsanahay inaan afar sano iyo ka badan tababare u soo ahaado AS Monaco,” Tababaraha 44-jirka ayaa sidaa yiri kaddib markii xilka laga xayuubiyay.

“Waxaan had iyo jeer bixin jiray tan ugu fiican nafsadeyda waxaana ku shaqeyn jiray kal gaceyl.

Leonardo Jardim ayaa Monaco la qaaday horyaalka Faransiiska kal ciyaareedkii 2016/17, wuxuu kaloo gaarsiiyay afar dhammaadka Champions League.
Halyeygii hore ee Arsenal Thierry Henry ee iminka caawiye u ah macallinka xulka Belgium ka ee  Roberto Martinez ayaa si aad ah loo hadal hayaa inuu qaban doono xilkan.
41-jirka reer France ayaa 5-sano la soo qaatay naadiga Monaco isagoona u dhaliyay 20 gool 105-kulan uu u saftay.
Waxaa Henry lala xiriirinayay inuu macalin u noqonayo Aston Villa balse wuu ka baxay ka hor inta aan xilkaasi loo magacaabi Dean Smith oo caawiye looga dhigay John Terry.
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close