Dean Smith iyo John Terry oo loo kala Magacaabay Tababaraha iyo ku xigeenkiisa ee naadiga Aston Villa

(England) 11 Okt 2018. Aston Villa ayaa ku dhawaaqday inay xilkeeda Tababare u Magacowday Dean Smith halka halyeygii Chelsea ee John Terry ay u Magacaabeen ku xigeenkiisa ama kaaliyihiisa.

Smith ayaa taageere waqti dheer u ahaa Villa wuxuuna waqti guuleystay la soo qaatay naadiga Walsall sanadihii u dhexeeyay 2011 ilaa 2015 ka hor inta uusan ku biirin Griffin Park.

Tokeo la picha la Dean Smith and John Terry

Waxaa la fahansan yahay in adduun dhan 300,000 oo bound magdhow ahaan loo siiyay kooxda uu dhawaan ka soo tagay Smith ee Brentford oo iyana Championship ka kala ciyaarta Aston Villa.

Naadiga Aston Villa ayaa barteeda Twitter ka soo dhigtay inay ku faraxsan tahay in Dean Smith u magacaabato tababaraheeda, John Terry-na ay ka dhigto kaaliyaha koowaad ee tababaraha halka ay Jesus Garcia Pitarch u magacowday agaasimaheeda Ciyaaraha.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close