“Arturo Vidal ma uusan ixtiraamin saaxiibadiisa.”.

(Barcelona) 11 Okt 2018.Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona ee Pep Segura ayaa dhaleeceeyay khadka dhexe xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal, isagoo sheegay inuusan ixtiraamin saaxiibadiis.

Arturo Vidal oo 31 jirka ah ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay dhigeeda Bayern Munich aduun dhan 18 milyan euro.

Laakiin Arturo Vidal ayaa wali fursad fiican ka helin kooxda Barcelona wuxuuna u ciyaaray kaliya 176 daqiiqo.

Si kastaba Arturo Vidal ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inuusan la dhacsaneen qaabka uu haatan kaga sugan yahay kooxda Barcelona, isla markaana uusan ku faraxsaneen qorshaha tababare Ernesto Valverde.

Dhinaca kale Arturo Vidal ayaan hadalkiisa intaas kusii ekeenin wuxuuna si toos ah u sheegay inuu si weyn kaga careysan yahay in ilaa iyo haatan uusan fursad wanaagsan ka helin kooxda Barcelon2431a, waxaana durbadiiba arintan ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Pep Segura.

“Arturo Vidal ma uusan ixtiraamin saaxiibadiis ama maamulka kooxda Barcelona, lakiin waan hubaa inuu wax walba hagaajin doono xiliyada soo aadan”.

Waxaa xusid mudan in khadka dhexe xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal in uu kooxda Barcelona u saxiixay heshiis saddex sano ah ee gaaraya ilaa iyo 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close