Sababta uu kaga soo tagay Barcelona, fikirkiisa kaga aadan tababare Lopetegui iyo Thiago oo dhowr arimood kale ka hadlay

(Spain) 10 Okt 2018. Thiago Alcântara ayaa ka warbixiyay fikirkiisa kaga aadan ku biirista kooxda Real Madrid  iyo sababaha uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona.

Dhinca kale xidiga khadka dhexe kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcântara ayaa wuxuu ka hadlay fikirkiisa kaga aadan xaalada tababare Julen Lopetegui iyo go’aankii loogaga casilay shaqada tababarka ee xulka qaranka Spain kahor maalin inta uusan bilaabanin koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

“Waxay ahayd inaan qaado talaabo kale ee cusub, si aan ugu farxo ciyaarista kubada cagta, laakiin mar walba waan uga mahad celinayaa Barcelona wax walba ee aan kasoo bartay, laakiin waxaa jira waqti aad rabto inaad meel kale tagto si aadan u niyad jabin dhamaan kuwa ku jecel”.

Alcântara ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu ugu dhaqaaqi waayay Real Madrid kadib markii uu ka dhaqaaqay Barcelona: “Waxaan mar walba ixtiraamayaa kooxaha oo dhan inkastoo uu jiro loolan, sidoo kale waxaan ixtiraamayaa kooxda I tusisay caalamkan, sidaas darteed waxaan doonayay inaan iska ilaaliyo inaan abuuro isku dhac, taasoo ka imaan karta hadii aan ku biiro kooxda  Real Madrid, laakiin sidaasoo ay tahay waxaan Guardiola kula midoobay kooxda Bayern Munich, mana aanan sameynin doorashooyin kale”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay xaalada adag macalinka Real Madrid ee Julen Lopetegui “Marka uu yimaado macalin cusub, waa inaad marka hore isaga la kulantaa, ka dibna waxaa jira hab loogu dhaqaaqo, wali waxaan ku gudi jirnaa bilawga xili ciyaareedka, waxaana jira dhaleeceeno badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close