Real Madrid oo Sameysay Taariikhdii ugu Xumeed Qarnigan 21-aad iyo Koox Qura oo RIKOODHKAA Liita Hore u Dhigtay

( Madrid ) 10 Okt 2018. Real Madrid ayay ku adkaatay iney gool dhaliyaan afartii kulan ee u dambeysay waana markii ugu horreysay qarnigaan 21-aad oo kooxdu ay diiwaan galiso rikoodhkaa liita.

Hal koox oo kaliya ayaa hore u sameyay taariikhdaa xun shanta horyaal ee qaarada yurub taaso muddo dheer la’saneed wax goola.

Kooxda Spain ayaa ka gudubtay 409 daqiiqo oo goolal la’aana tan iyo goolkoodii u dambeyay uu dhaliyay xiddiga Marco Asensio cayaar 1-0 ay uga badiyeen Espanyol. Intaa kaddib Real ayaa la kulantay natiijooyinkan 3-0 guuldarro ah oo ay kala kulmeen Sevilla, barbaro goolal la’aana oo ay la galeen Atletico Madrid, iyo qasaaro 1-0 oo ay kala kulantay CSKA Moscow koobka Champions League iyo Alaves oo gaarsiisay guuldarri u dambeysay.

Sawirka la xidhiidha

Laakiin naadiga French Dijon FCO ayaa uga horreysay Real Rikoodhkaa liita waxayna guul iyo gool la’aanba ahaayeen 437 daqiiqo.

Kaddib markii ay ku bilaawdeen horyaalka Ligue 1 guul seddaxad kulan xariira, Dijon ayaa ka heshay dhibic kaliya lixdoodii dheel ee u xigay.

Balse Real oo kal cayaareedkan lumisay dhaliyahoodii ugu goolasha badan taariikhda ee Cristiano Ronaldo ayaa kaliya laba dhibcood ka hooseyda kooxda hogaanka heysa ee Sevilla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close