Real Madrid oo dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan heshiis aad u adag ay ka dooneyso Premier League

(Real Madrid) 10 Okt 2018. Real Madrid ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ku aadan heshiiska ay ku dooneyso inay kula soo wareegto xidig ku sugan horyaalka Premier League, sababa la xiriira inay suuragal tahay in laacibkan reer Croatia ee Luka Modric uu ka dhaqaaqo Santiago Bernabéu.

Wariyaha ka howl gala radio “Cadena SER” ee Paco González in Real Madrid ay dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda kaga aadan saxiixa laacibka kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen, si uu ugu noqdo badalka Luka Modric oo la filayo in kooxda uu ka dhaqaaqo.

Real Madrid ayaa soo bilaawday xiisaheeda kaga aadan Christian Eriksen suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, laakiin Tottenham Hotspur ayaa dul dhigtay laacibkeedan qiimo dhan 178 milyan ginni hadiiba ay fasaxayaan.

Heshiiska Christian Eriksen ee kooxda Tottenham Hotspur ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2020, halka wararka qaar ee dalka England ay sheegayaan in maamulka Spurs ay qorsheenayaan in heshiis cusub ay ka saxiixdaan laacibkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close