Nemanja Matic oo Shaki weyn ku jiro kulanka Manchester United ay u Safreyso Kooxdiisii hore Chelsea 20-ka Bishaan

( Manchester ) 10 Okt 2018. JOSE MOURINHO  waxaa soo gaaraya dhaawacyo cusub iyagoo uu shaki weyn ku jiro Nemanja Matic kulanka Manchester United ay la cayaareyso kooxda Chelsea.

Ninkan qadka dhexe ayaa laga saaray safka xulka Serbia sababo la xariira dhaawan aan la cayimin.

Wuxuu seegi doonaa kulamada xulkiisa ee cayaaraha horyaalada qaramada yurub oo ay la kala dheeli doonaan Montenegro iyo Romania.

Dhaawaca Matic ayaa sido kale la micno tahay in jaaniska uu u hesyto inuu wajaho kooxdiisii hore ee Stamford Bridge 20-ka bishaan October ay tahay mid isku dheelo tiran.

30-jirkaan ayaa ilaa haatan kasoo muuqaday kooxda Red Devils siddeed cayaar xagaagan isagoo 90-ka daqiiqo dheelay kulankii ay guusha soo laabashada leh ka gaareen Newcastle.

Natiijada sawirka Man United news: Nemanja Matic huge doubt for Manchester United’s trip to former club Chelsea on October 20

Haatan waa mid laga yaabo inuu seego kulanka Blues kaddib markii uu kusoo laabtay xarunta tababarka kooxda ee Carrington si loogu daaweeyo.

Xiddiga, oo guud ahaan shan sano ku qaatay Chelsea labadii xili uu ku sugnaa, ayaa marka hore loogu yeeray qaranka Serbia ka hor inta uu kusoo laaban kooxdiisa.

Matic ayaa kula guuleystay laba mar Premier League iyo EFL Cup kooxda Stamford Bridge ka hor inta uusan kula Mourinho naadiga United bishii July 2017.

Isagu waa cayaariyahankii labaad ee Red Devils oo laga reebo kulamada nasiinada caalamiga kaddib Luke Shaw oo ka haray kooxda England.

Labada shaqti ayaa hadda wajahaya waqti ay taam ugu noqdaan kulanka kooxda Galbeedka London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close