Mourinho oo Fariin Cajiib ah u diray Frank Lampard

(England) 10 Okt 2018. Jose Mourinho ayaa Fariin uu u diray Frank Lampard ugu sheegay inuu leeyahay suurogalnimada uu ku noqonayo Tababare Wayn.

Kooxda Derby uu horkacayo rugcadaagii hore ee Chelsea ayaa si lama filaan ah Carabao Cup uga soo reebtay Man United kaddib rigoorayaal ay kaga adkaadeen maadaama uu kulanku ku idlaaday 2-2.

Jose Mourinho ayaa Fariin gaar ah u soo duubay Lampard mar abaal marin lagu guddoonsiinayay xafladii Legends of Football Hall of Fame.

“Sida muuqata, Waa waqtigaaga Frank oo aad ka fikiri lahayd waayahaaga xiga,” Jose ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

“Sida aan kugu sheegay Old Trafford, kaliya tababare leh Suuro galinimo wayn ayaa isku daba ridi kara koox u ciyaareysa sidaas.

“Waan ogaa inay go’neyd inaad i garaacdo. Waadna sameysay, inkastoo ay 2-2 ahayd ciyarta 90-ka daqiiqo. Waad ogtahay waxa aan kuu dareemayo.

“Marna ma qarin xaqiiqda in Frank Lampard uusan ii ahayn oo kaliya mid ka mid ah xiddigaheyga ugu fiicnaa ebid, laakiin waxaa intaa ka sii muhimad badan inuu ahaa mid ka mid ah xirfadlayaasha ugu fiican.

“Waxaan aaminsanahay inay tahay inaad ku faraxdo wax kasta oo aad sameysay. Aabahaa iyo xaaskaaga sidoo kale ayay ugu farxayaan.

“Waan ogaa midaa maxaa yeelay  waan isku dhaweyn labadeena waqtigaa, Hooyadaa way ku qosli doontaa Abaal marintan waayo waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee ogaada shaqsiga iyo Xirfadlaha aad tahay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close