Marcos Alonso oo u Deyriyay Real Madrid iyo Barcelona

(Europe) 10 Okt 2018. Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhammaan lala xiriirinayay daafaca garabka bixi kaga duula Chelsea ee Marcos Alonso.

Balse laacibka reer Spain ma qorsheynayo inuu ka tago Stamford Bridge oo wuxuu daaha ka rogay Heshiis Cusub uu dhawaan saxiixayo.

“Dhib la’aan iyo farxad ayaan ku dareemayaa Chelsea, kooxduna waa inay sidaa oo kale ii noqotaa,” Alonso ayaa sidaa yiri.

“Inkastoo ay jirto inay labo sano iiga harsan tahay qandaraaskeyga iminka, waxay kooxdu ii soo bandhigtay heshiis ballaarin.

Tokeo la picha la Marcos Alonso Barcelona

“Waan ka wada munaaqashooneynaa, wada hadaladuna meel hor marsan ayay marayaan.

“Haddii ay wax kasta si fiican ku socdaan, waxaan aaminsanahay inaan heshiiska saxiixi doono ka hor dhammaadka bisha. Maalmaha soo socda.

“Waxaan ahay 27-jir, waxaa durba ii harsan labo sano heshiiskana waan ballaarinayaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close