Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Faransiiska Noël Le Graët oo markale dharbaaxa xoogan la gaaray Benzema

(France) 10 Okt 2018. Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta ee Faransiiska (FFF) ee Noël Le Graët ayaa markale dharbaaxa xoogan la gaaray weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema.

Noël Le Graët ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu kaga hadlay Karim Benzema iyo rajada laga qabi in markale uu dib ugu soo laabto u ciyaarista xulka qaranka France.

“Arinta weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema wali ma aysan dhamaanin”.

“Ma ahi mid kasoo hor jeeda Karim Benzema, wuxuu lahaa ruux wada jir ah marka uu ku sugnaa xulka qaranka France”.

“Laakiin waxaan qabaa in Benzema uusan ku biiri doonin xulka Faransiiska mar kale, gaar ahaan xili awoodiisa jireed ay hoos u dhacay”.

Karim Benzema oo haatan da’adiisu tahay 30 jir yaa kulankiisii ugu dambeeyay uu xirto maaliyada xlka qaranka France ahaa kulankii Armenia ay ku wada ciyaareen 8-da October 2015, Benzema ayaa u saftay xulkiisa France 81 kulan wuxuuna u dhaliyay 27 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close