Kooxaha horyaalka Premier League oo si weyn u xiiseenaya adeega difaaca AC Milan Mateo Musacchio

(Premier League) 10 Okt 2018. Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka Talyaaniga difaaca kooxda AC Milan Mateo Musacchio ayaa wuxuu yaboohyo kala duwan ka helayaa qaar ka mid ah kooxaha horyaalka Premier League.

Wargeyska , “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay in kooxaha Watford iyo Fulham ay si xoogan u xiiseenayaan saxiixa Mateo Musacchio.

Kooxaha Watford iyo Fulham ayaa u dhaqaaqi doono saxiixa 28 jirkan suuqa furmi doono bisha January ee soo aadan, si ay ula soo saxiixdaan.

Wargeyska “Calcio Mercato” ayaa cadeeyay in Fulham ay dalab u dirtay xagaagii lasoo dhaafay difaaca Musacchio, laakiin Milan ayaa diiday inay iska fasaxdo ciyaaryahankan.

Mateo Musacchio ayaa wuxuu kaga soo biiray kooxda Milan dhigeeda Villarreal xagaaga 2017, wuxuuna kasoo muuqday 29 kulan ee ah dhamaan tartamada oo idil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close