Jordan Henderson oo muujiyay sida uu ugu garab taagan yahay Chamberlain dib ugu soo laabashada tababarka kooxda Liverpool

(Liverpool) 10 Okt 2018. Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay saaxiibkiis ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Alex Oxlade-Chamberlain, wuxuuna u rajeeyay in garoomada uu dib ugu soo laaban doono isagoo ka awood badan sidii hore.

Laacibkii hore kooxda Arsenal ayaa haatan si wanaagsan kaga soo kabanaya dhaawacii darnaa ee kasoo gaaray dhanka jilibka bishii April ee lasoo dhaafay.

Waxaa la fahamsan yahay in 25-jirkan uu ku socdo wadada saxda ah, si uu markale dib ugu soo laabto garoomada kahor dhamaadka xili ciyaareedkan 2018/2019.

“Waan ogahay inuu soo noqon doono isagoo ka awood badan sidiisii hore, marka uu soo laabto si toos ah ayuu ugu soo lmuuqan doonaa shaxda kooxda”.

“Waxaan u maleenayaa in howlgalkiisa ee kasoo kabashada dhaawacii uu qabay ay ku socoto wadada saxda ah, waxaan rajeynayaa inuu sii wadi doono, sababtoo ah Chamberlain, wuxuu qeyb muhiim ah ka ciyaari doonaa  qorshaha kooxda marka uu kasoo noqdo dhaawaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close