Goolkii uu Martial ka dhaliyay Newcastle United wuxuu bad-baadiyay Shaqada Mourinho balse ma Ogtahay inuu Malaayiin Lacago ah ka salfaday Man United….(Sidee!!!????)

(Manchester) 10 Okt 2018. Goolkii uu Anthony Martial ka dhaliyay Newcastle United kulankii ay Man United ka gaartay guusha soo laabashada lahayd ayaa bad-baadiyay shaqada Jose Mourinho balse ma ogtahay inuu Malaayiin lacago ah ka salfaday Red Devils.

Kooxda Jose ayaa 2-0 lagu hogaaminayay qeybta hore, balse labaatan daqiiqo gudahood qeybta dambe ayay ku dhalisay saddex gool.

Martial ayaa dhaliyay goolka bar baraha ka hor inta uusan Sanchez shabaqa dhex dhigin goolka guusha.

Yeelkeede, Goolka wiilka reer Farnce ayaa Man United ugu kacay adduund dhan 7.7 milyan oo bound oo qeyb ka ah heshiiskii uu marka hore kooxda ku yimid.

Man United ayaa ku soo iibsatay Martial lacago dhan 38.5-milyan balse marka lagu daro shuruudaha qeybta ka ah qandaraaskiisa waxay lacagihiisa gaari doonaan 61.6 milyan oo bound.

Mid ka mid ah Shuruudaha ayaa ah haddii uu Martial 25-gool Premier League u dhaliyo Man United ka hor dhammaadka kal ciyaareedkan 2018-19 ay kooxda reer England siin doonto Monaco 7.7 milyan oo bound.

Martial ayaana kulankii sabtida ugu dambeyn ka sara maray 25-gool taa oo ka dhigan in lacagaha lagu soo iibsaday ay iminka gaareen 46.2 milyan.

Labada Shuruud ee harsan ayaa kala ah in Man United ay lacago kale oo dheeri ah bixin doonto haddii uu xulka Faransiiska u safto 25-kulan iyo haddii uu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close