Arsene Wenger oo ku sii dhawaanaya inuu Xil lama Filaan ah ka qabto….

(Europe) 10 Okt 2018. Arsene Wenger ayaa ku sii dhawaanaya inuu gacanta ku dhigo shaqadiisii ugu horreysay tan iyo sidii uu uga soo tagay Arsenal 22-sano kaddib.

Tababaraha reer France ayaa lagu wadaa inuu jago saro ka qabto kooxda PSG maadaama uu sii kordhayo isku dhaca ka dhaxeeya Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda reer France Antero Henrique iyo tababare Thomas Tuchel.

PSG ayaa si waali ah ku bilaabatay horyaalka Fransiiska iyadoona wada adkaatay dhammaan 9-kii kulan ay ciyaartay balse RMC ayaa warineysa in Wenger uu ku sii dhawaanayo inuu helo shaqadiisii ugu horreysay tan iyo Arsenal.

PSG ayaa Ligue 1 ka dhalisay 32-gool iyadoona laga dhaliyay lix gool oo qura waxaana gool dhalinta hor kacaya xiddigaheeda Neymar iyo Mbappe, halka Champions League ay ku furatay guul daro balse ay lix ku badisay kulankii labaad.

Inkastoo ay kooxda reer France u muuqato kuwa isku aadan misane waxaa la sheegayaa inay joogto isugu dhacayaan Agaasimaha ciyaaraha iyo Tababaraha kooxda.

Tan iyo bishii Sebtember ayaa la sheegayaa inay qoorta iskula jireen kaddib markii ay kooxdu ku guul darreysatay suuqii xagaaga inay keento xiddigo qadka dhexe ka ciyaara oo uu doonayay tababare Thomas Tuchel.

RMC ayaa aaminsan in Wenger uu PSG ka qaban doono xil ka sarreeya Agaasimaha Ciyaaraha oo waxaa lagu wadaa inuu qabto xil ku dhow Guddoomiyaha kooxda ee Nasser Al-Khelaifi.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close