Yaa ugu CAD CAD inuu ku guuleysto Ballon d’Or???…..(Messi oo meel xun laga riday iyo Ronaldo oo…)

(Europe) 09 Okt 2018. France Football ayaa xalay soo saartay Liiska 30-ka xiddig ee u sharaxan abaal marinta  Ballon d’Or.

Qolooyinka wax saadaaliya ayaa durba soo saaray saadaashooda ku aadan xiddiga ku guuleysan doono kubbada dahabka.

Luka Modric ee ku soo guuleystay xiddiga sanadka ee Yurub iyo abaal marinta FIFA ee The Best ayaa helaya saadaasha ugu badan inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Image result for ballon d'or nominees 2018

Xiddiga qadka dhexe ayaa Real Madrid ka caawiyay inay ku guuleysato Champions League markii 3-aad oo xiriir ah wuxuu sidoo kale xulkiisa geeyay Final ka Koobka Adduunka.

Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay gool dhalinta Champions League ayay saadaashu galisay labaad waxaana ku soo xiga xiddig yaraha reer France ee Mbappe.

Laakiin saadaasha ayaa meelo fog ka riday Antoine Griezmann, Lionel Messi iyo Maxamed Saalax inkastoo ay 30-ka kale kaga dhow yihiin dhanka saadaasha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close