Unai Emery oo kalsooni weyn ka muujiyay awooda uu tababare Lopetegui kaga saari Real Madrid xaalada adag ay ku jirto

(Real Madrid) 09 Okt 2018. Tababaraha kooxda Arsenal Unai Emery ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo in Julen Lopetegui uu ka saaro karo kooxda Real Madrid xaalada adag ay haatan ku sugan tahay, sababa la xiriira qibrada wanaagsan uu u leeyahay xaaladan oo kale.

Hadalka Unai Emery ayaa wuxuu imaanayaa, xili uu ka qeyb galay shirka macalimiinta ee lagu qabtay xarunta xiriirka kubada cagta dalka Spain ee Madrid, waxaana loogaga hadlay dhowr arimood ee ka mid ah hoos u dhaca ku yimid kooxda Real Madrid kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo.

“Real Madrid waxay u baahan tahay dheeli tirnaan kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo, inkastoo uu muhiim ka ahaa kooxda, Los Blancos weli waxay u baahan tahay waqti, si  ay iskula qabsadaan kadib bixitaankiisa”.

“Tayada ciyaartoyda iyo waaya-aragnimada tababare Julen Lopetegui ayaa gacan weyn ka geysan doonta sida loo soo afjari lahaa dhibaatooyinka ay haatan ku sugan tahay kooxda Real Madrid”.

“Xaaladahan oo kale waxay u baahan tahay in loo dulqaato kooxda iyo macalinka, waxaan ku qanacsanahay in Real Madrid ay dib ugu soo kabsan doonto dhibaatada ka heysata dhanka weerarka sida ugu dhakhsaha badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close