Mid ka mid ah laacibiintii hore ee kooxda Real Madrid oo ka door biday Cristiano Ronaldo xidigaha Higuaín iyo Suárez

(Italy) 09 Okt 2018. Ciyaaryahankii hore kooxda Real Madrid ee Antonio Cassano ayaa wuxuu si weyn u amaanay qaab ciyaareedka weeraryahanka kooxda AC Milan Gonzalo Higuaín.

Antonio Cassano ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska “CalcioMercato” wuxuu kaga kaga hadlay qaab ciyaareedka laacibka reer Argantina ee Gonzalo Higuaín.

“Gonzalo Higuaín waa weeraryahan cajiib ah, waxaan kula soo ciyaaray kooxda Real Madrid, waxaa suuragal ah inaad ku daawato tayo sare ee heer gooldhalineed”.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, Edin Džeko sidoo kale aad ayuu u fiican yahay, laakiin aniga ahaan Higuaín iyo Suárez waa labada weeraryahan ee haatan ugu fiican kubada cagta”.

“Gonzalo Higuaín iyo Suárez, waa kuwo qaas ah, waxaana jeclahay qaabka ay u ciyaarayaan kubada cagta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close